Wararkii Ugu Dambeeyay Toogashadii Ka Dhacday Utrecht Neteherland+Sawirro

Nin hubeysan ayaa rasaas oodda kaga qaaday xaruun tareennadavlaga raaco oo ku taallo magaalada Utrecht ee dalka Neteherland.

Warar ka imanaya magaalada uu weerarka ka dhacay ayaa waxay sheegayaan in hal qof uu ku dhintay iyada oo qaar kalana ay ku dhaawacmeen.

Goobta uu weerarka ka dhacay waxaa la geeyey ciidamo tira badan.

Booliska ayaa ku baaqay iney ka fogaadaan goobta uu weerarku ka dhacay dugsiyada waxbarashada ee ka agdhaw goobahaasi albaabkooda ay xirtaan..

Waxay booliska sheegeen inuu weerarkaasi noqon karo “isku day fal argagixiso”.

Isku duwaha ka hortagga falalka argagixisada ayaa sheegay iyada oo laga cabsi qabo iney khatar kale halkaa ka imaaddo in si weyn loo adkeeyey ammaanka magaalada Utrecht.

Ra’isal wasaaraha Netherland Mark Rutte ayaa sheegay “iney dhacdadan aad u murjisay” oo uu baajiyey khudbad toddobadla ah oo uu soo jeedin lahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.