Wararkii Ugu Dambeeyay 125 Qof Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Dagaal Dhax Maray 2 Maleeshiyo

Wararkii ugu danbeeyay dagaalo Xoogan oo ku dhax marayay Magaalada Mooyaale maal mahii ugu danbeeyay qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Inta la xaqiijiyay dagaaladaasi ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday 125 oo u badan labada Maleeshiyo ee kala taabacsan qomiyadahaasi.

Dagaaalka ayaa sido kale xitaaa gaaray in halkaasi lagu gubo guryo ay lahayeen shacab aan ka qeyb qaadan dagaalkaasi dhiiga badan ku daatay ee dhax marayay labada qowmiyad Oromo Iyo soomaaali.

Saraakiil u hadashay qowmiyada Oromada ayaa soomaalida ku eedeeyay iney ka dambeeyaan dagaalka, maadaama mar waliba ay isku dayayaan in halkaasi ay ka sameystaaa dhul balaarsi.

Halka dhanka Soomaalida ee laga tiro badan yahay ay ku an-dacoonayaan in dhiigooda micno daro ay ku xalaaleysteen Meleeshiyada Oromada ah.

Taliska dhaxe ee dowladda Itoopiya ayaa marar badan isku dayday iney dhax dhaxaadiso, 2-daa Maleeshiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*