War Deg Deg:-Wiil Dhalinyaro ahaa oo Caawa Lagu Dilay Muqdisho

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dil Maqribnimadii caawa ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Dilkaan ayaa ka dhacay Agagaarka Sarta Isbooriga Wadada Labaad ee Suuqa meel ku dhow Hoteel Waaheen.

Goob-joogayaal ayaa idaacadda Simba u sheegay in kooxo hubeysnaa ay toogteen Wiil dhalinyaro ahaa,islamarkaana ay goobta ka baxsadeen dilka kadib.

Wiilka la dilay ayaa da’diisa lagu qiyaasay 20 ilaa 25 sano jir,lamana oga cida dilkiisa ka dambeysay iyo waxa uu ahaa.

Mudooyinkii dambe waxaa Magaalada muqdisho kusoo batay dilalka qorshaysan ee dadka Shacabka loo geysanayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*