War Deg Deg:-Wariye Hanad Cali Guuleed oo Isagoo Xirxiran Laga Helay Duleedka Afgooye

Wariye Hanad Cali Guuleed oo shalay ay afduubteen kooxo hubeysan oo aan la aqoonin halka ay ka tirsan yihiin ayaa goordhaweyd waxaa naloo xaqiijiyay in u dib u helay xuriyadiisa.

Wariyaha oo muddo 24-saac gacanta ay ku hayeen kooxda aan la aqoonin ayaa la sheegay in ay jirdil Xoogan ay u geysteen islamarkaana ay ku xireen qol yar.

Hanad Cali Guuleed oo ka Tirsan Shaqaalaha idaacadda Goob-joog Fm oo xirxiran islamarkaana si xun loo jir-dilay ayaa saakay waxaa Laga helay Beer duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhanka kale Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo warbaahinta la hadlay ayaa sheeegay in wariyaha ay afduubteen Xarakada Al-shaabab islamarkaana ay kasoo badbaadiyeen, kadib howlgal ay sameeyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*