War Deg Deg:-Qaraxyo Caawa Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Rag Hubeysnaa ayaa caawa weerar bambaanooyin loo adeegsaday waxa ay ku qaadeen hoyga Gudoomiyihii hore ee Degmada Howlwadaag Maxamed Abuukar Jacfar.

Hoyga ayaa ku yaala aaga Iskuulka Dhagaxtuur ee Degmadda Howlwadaag waxaa la xaqiijiyay in labo bambo lagu tuuray kuwaasi oo geystay khasaaro kala duwan.

Waxaa la xaqiijiyay in hal askari uu ku dhaawacmay, kaasi oo kamid ahaa ilaadda Jafar,kadib markii ay rasaas isweedaarsadeen ragii hubeysnaa.

Weerarka kadib waxa hoyga gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda federaalka Soomaaliya, oo goobta ka sameeyay baaritaan.

Rag hubeysna ayaa caawa weerar bamboonooyin loo adeegsaday waxa ay ku qaadeen Ciidamo fariisin ku lahaa isgoyska Bakaaraha iyo qeybo ka mid ah degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Dhanka kale tiro hoobiyayaal ahaa oo gaarayay ilaa  iyo 10 ayaa caawa ku dhacay Degmooyinka Howlwadaag, Wardhiigleey, Xamar Jajab, Waaberi iyo Xamarweyne ee gobolka Banaadir, kuwaasi oo geystay khasaaro kala duwan.

Hay’adda amaanka Dowladda Soomaaliya oo arinkaan ka hadlay waxa ay sheegeen in ay ku raad-joogaan kuwii ka dambeeyay qaraxyadda iyo hoobiyayaasha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*