War Deg Deg:-Qarax Lala Eegtay Ciidamada kenya

Qarax miino ayaaa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa kenya oo marayay tuuladda geriley oo u dhow degmada wajeer ee Gobalka Waqooyi Bari Kenya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada kenya ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qaraxa lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo kenyaan ah islamarkaana dhulka loogu aasay kahor intaysan halkaa soo marin.

Lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxa lala eegtay ciidamada kenya, alshabaab ayaa horey gudaha kenya ugu geysan jiray  qaraxyo iyo dilal qorsheesan.

Halkaan Kala Soco Wixii Warkaan Kusoo Kordho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*