War DEG DEG:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho Iyo Wariye Ku Geeriyooday

Wararka naga soo gaaraya degmadda wadajir ee gobolka banaadir ayaa ku waramaya in qarax gaari lagu xirey in xiligii salaadii maqrib uu ka dhacay gudaha degmadaas.

Qaraxaan waxaa gaarigiisa loogu xirey wariye Mohamed Ibraahiim Goobaw oo kamid ahaa shaqaalaha tv-ga maxaliga ah ee Kalsan tv xaruntiisa magaaladda muqdisho.

Wariyaha ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday goobaha caafimaadka kadib markii si dhaawac ahaan loo geeyay.

Maamulka Tv-ga Kalsan Tv ee Magaaladda Mudqisho ayaa sidoo kale noo xaqiijiyay falka in uu dhacay.

Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*