War Deg Deg:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helaya qarax goordhaweyd ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxaan ayaa ka dhacay Suuqa Qudaarta Siinay ee Magaaladda Muqdisho,oo xiligaas ay ku sugnaayeen dad fara badan oo suuqa ka adeeganayay.

Qaraxaan ayaa ka dhashay  gaari gacan lagu xiray Miinada dhulka lagu aaso,wuxuuna ka dhacay goob ay lacagaha ku qaadaan Ciidamadda Minishiibiyadda Dowladda Hoose.

Sida uu inoo xaqiijiyay qof goobta ku sugnaa qaraxaan ayaa la doonayay in lagu qaarijiyo Madaxa Canshuuraha Dowladda Hoose ee Suuqa Siinaay, balse goobta qaraxa uu ka dhacay ka maqnaan.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhaawacmay 3-ruux oo suuqa ku sugnaa.

Wixii kusoo kordha kala Simbanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*