War Deg Deg:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Qarax gaari lagu xiray ayaa goordhaweyd ka dhacay magaaladda muqdisho ee caasimadda soomaaliya.

Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacay Isgoyska taleex degmada hodan ee gobolka banaadir gaar ahaan agagarka Premier Bank.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal qaraxaan ayaa ku xirnaa gaari kuwa raaxadda ah,waxaana qaraxa ka dhashay dab qabsaday gaariga.

Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku dhintay labo kalana way ku dhaawacmeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.