Faah-faahin:-Qarax Lagu Dilay Nin Injineer ahaa oo Ka Dhacay Muqdisho

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax gaari lagu xiray oo caawa ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxaan ayaa ka dhacay isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho,waxaana gaarigiisa loogu xiray Nin dhalinyaro oo  Injineer ahaa.

Saraakiil ammaanka qaabilsan ayaa sheegay in qaraxaan uu ku geeriyooday ruuxii watay gaariga oo lagu magacaabi jiray Eng. Maxamed Cabdi  Kaariye, wuxuuna ka mid ahaa dhalinyarada ka shaqeysa qandaraasyada dhismaha ee Magaaladda Muqdisho.

Ala U Ha Naxariisteeen Maxamed Cabdi Kaariye ayaa la sheegay in uu ku gubtay gaariga,islamarkaana uu goobta ku geeriyooday.

Mudooyinkii dambe waxaa Magaaladda Muqdisho kusoo batay qaraxyadda gawaaridda lagu xiro,waxaana lagu dilay dhowr shaqsi oo Dowladda u shaqeynayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.