War DEG DEG:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Qarax Gaari lagu dhajiyay ayaa  Caawa ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa isgoysyada KM4 iyo Laami Yaraha, gaar ahaan aagga xarunta Hargaha iyo Saamaha.

Gaariga qaraxa lagu dhajiyay ayaa waxa watay Sarkaal ka tirsan ciidanka Dambi baarista ee CID-da, kaasi oo magaciisa lagu soo koobay Dhegey.

Sarkaalka ayaa la sheegay in uu ka badbaaday qaraxa,balse waa bas beelayay gaarigiisa,waxaaaa goobta gaaray ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.