War Deg Deg:- Qarax Goordhaweyd Ka Dhacay Muqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax goordhaweyd ka dhacay agagaarka Isbitaalka Digfeer Degmadda Hodan ee Magaaladda Muqdisho.

Qaraxaan oo gaari lagu xiray ayaa la doonayay in lagu khaarijiyo mid kamid ah Nabadoonadda Soomaaliyeed.

Sida naloo xajiijiyay qaraxaan ayaa la doonayay in lagu khaarijiyo Nabadoon Muxudiin Bagaase,balse waa uu ka badbaaday.

Dhanka kale Ciidamadda amaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay waxaana socda baaritaano.

Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxaan ka dhacay Degmadda Hodan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.