War Deg Deg:-Qarax Goordhaweyd ka dhacay Magaaladda Muqdisho

Qarax Gaari lagu dhajiyay ayaa goordhaweyd ka dhacay Magaaladda muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qaraxaan ayaa ka dhacay meel ku dhow taalada Daljirka daahsoon ee degmada Boondheere Gobolkaan Banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal qaraxa ayaa ku xirnaa gaari kuwa Raaxadda ah oo Soomaalida ay u taqaano Viller

inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay Darawalkii gaariga waday, iyo labo ruux oo goobta maraysay.

Darawalka ayaa la xaqiijiyay in qaraxa uu ka sameeyay qeybaha hoose ee jirkiisa.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa goordhaweyd gaaray Ciidamadda Amaanka Dowladda Soomaaliya,waxaana socda baaritaano.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*