War Deg Deg:-Qarax Dhacay Magaaladda Muqdisho

Qarax xooganaa oo inta badan laga maqlay Xaafadaha Magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa goordhaweyd ka dhacay magaaladda.

Qaraxan ayaa ka dhacay agagaarka daarta loo yaqaan MBC  degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaari Qooqan ahaa uu qaraxa ku xirnaa,balse lama oga cida saarneed gaariga.

Markuu dhacay qaraxa waxaa la maqlay rasaas,waxaana hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka Xaafadda MBC.

Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaan goordhaweyd ka dhacay magaalada Muqdisho,

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.