War Deg Deg:-Madaxii Amniyaadka Al-shabaab oo Gacanta Lagu Dhigay

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Maxamed Abuukar Islow(Ducaale) ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaliya ay gacanta ku dhigeen Sarkaalkii Al-shabaab u qaabilsanaa Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamada Xasilinta caasimadda in sarkaalkaan ay gacanta kusoo dhigeen islamarkaana Al-shabaab u qaabilsanaa dhibaateynta Shacabka Magaalada Muqdisho waa siduu hadalka u dhigee  Wasiirka.

Wasiirka ayaa magaca Sarkaalka la qabtay  ee Al-shabaab ka Tirsanaa ku sheegay C/wahaab Khaliif Axmed Ciise (Tarbuun) waxana lagu qabtay Gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magalada Muqdisho sida uu sheegay wasiirka Amniga Gudaha Soomaliya Islow.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*