Madaxweynayaasha Maamul goboleedyadda dalka ka jira oo shir ku lahaa 3-maalin aynu soo dhafnay magaaladda Kisamayo ayaa shirkooda kasoo saaray war-murtiyeed.
Golaha iskaashiga ayaa isku raacay in la hakiyo xiriirkii ay lahaayeen Dowladda Dhexe ee Soomaaliya, tan iyo inta ay ka fulineyso heshiisyadii hore u dhex maray labada dhinac.
Sidoo kale Golaha ayaa ka hadlay Iskaashiga dowlad-goboleedyada,Amniga,Dhaqaalaha iyo Hannaanka geedi socodka guud ahaan Siyaasadda dalka.
Shirkaan waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda Puntland,Galmudug, Hir-shabeelle,Koonfur Galbeed Soomaaliyeed, iyo Jubba-and oo marti loo ahaa.
Halkaan Ka Akhriso War-murtiyeedka Shirka golaha iskaashiga Dowladd Goboleedyadda