War Deg Deg:-Labo Ruux oo Caawa Lagu Dilay Degmadda Kaaraan

Kooxo ku hubeysnaa bastooladdo ayaa caawa Labo ruux waxa ay ku dileen Degmadda Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Falkaan ayaa ka dhacay meel ku dhow Saldhigga Degmadda kaaraan sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Labadda ruux ee la dilay ayaa mid kamid ah waxaa magaciisa lagu sheegay Cadaan, Lama helin midka kale magaciisa waxaana goobta ka baxsaday kooxihii falka ka dambeeyay.

Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo goobta gaaray ayaa qaaday Meydka Labadda Ruux.

Magaaladda Muqdisho waxaa maalmihii dambe ka dhacay dilal iyo qaraxyo ay geysteen Xarakadda Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.