War Deg Deg:-Labo Musharax oo Iskugu Soo Haray Doorashada Hir-shabeelle

Musharaxiinta kala ah Maxamed Cabdi Waare iyo Musharax Daahir Cabdulle Cawaale ayaa isugu soo haray wareega ugu dambeeya ee doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, kaddib markii ay ka tanaasulee wareega labaad Musharaxiinta kala ah Cabdi Faaraq Laqanyo iyo C/naasir Xaaji Shirwac.

Maxamed Cabdi waare ayaa wareega koowaad helay codod dhan 44 cod, halka Musharaxa kale ee ku xigay Daahir Cabdulle Cawaale uu helay 20 cod.

Labada Musharax ee ku dhawaaqay inay tanaasuleen oo helay min lix cod ayaa go’aansaday inay tartanka isaga haraan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*