War Deg Deg:-Dil Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Kooxo Hubeysan ayaa galabta suuqa Siinay ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen haween la sheegay in ay suuqaas ku iibinaysay dharka huudheyda loo yaqaano.

Alaha Ha u naxariistee Hooyo Xaliimo Cabdi Xeyle oo kamid aheyd Suuqleyda Suuqa, suuqa Siinay ee Magaalada Muqdisho ayaa la toogtay casir liqii galabta waxaana dilka ka dambeeyay rag hubeysan oo bastoolado watay.

Dilka kadib waxaa goobta isaga baxsaday ragii fuliyay weerarka,waxaa goobta meydkeeda laga qaaday Alaha Ha u naxariistee Hooyo Xaliimo Cabdi Xeyle oo kamid aheyd Suuqleyda Suuqa, suuqa Siinay.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya oo loogu bartay in ay gaaraan goobaha dilalka ay ka dhacaan ayaa goobta gaaray, waxaana jirey howlgal ay sameeyeen oo aan la ogeyn natiijada kasoo baxday ilaa haatan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*