War Deg Deg:-Dil Goordhaweyd Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Kooxo Hubeysnaa ayaa goordhaweyd askari ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay ku dileen Magaaladda Muqdisho.

Dilkaan ayaa ka dhacay isgoyska Maana-booliyo Degmadda Shibis ee Gobolka Banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa fuliyay dilka,waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

Dilka kadib waxaa goobta soo gaaray Ciidamadda amanka Dowladda Soomaaliya,waxana goobta laga qaaday meydka askariga.

Amniga magaaladda Muqdisho ee Caasimada dalka ayaa xumaaday maalmihii dambe waxaana lagu dilay askar, iyo shaqaale Dowladeed,waxaana inta badan sheegta Alshabaab.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.