War Deg Deg:-Dil Goordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Isgooska Siinaay ayaa ku waramaya in kooxo Hubeysan Salaadii Maqri ka dib ay halkaasi ku Dileen Nin Lixaadka Naafo ka ahaa oo gawaarida Dadweynaha ka Rari jiray Boosteejada Baabuurta Isgooskaasi.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa Idaacada Simba U Xaqiijiyey in Kooxaha oo Bastoolado ku Hubeysanaa ay si bareer ay Qeybaha Sare ee Jirkiisa ay Rasaas uga dhifteen Ninka Jiiska ahaa oo Siweyn looga Garanayey Isgooska Siinaay oo Xiligaasi kugu dajiray Howl Nollaleedkiisa.

Ciidamada Amniga Howlgal oo goobta soo gaaray ayaa ku guuleysan inay Ganacta ku Dhigaan Ragii Dilka geystay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*