War Deg Deg:-Dagaal Goordhaweyd Ka Qarxay Duleedka Garbahaarey

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ee Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in Dagaal Culus oo u dhexeeya Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Xoogga Dalka oo isku dhinac ah iyo  Xarakada Al-shabaab in  uu haatan ka soconayo Duleedka Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka dagaalka ayaa yimid ka dib markii Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka baxay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo Weerar dhabo gal ah ay  kala kulmeen dagaalyahanada Al-shabaab xili ay marayeen  degaan lagu Magacaabo Meykaareebee oo 7-KM u jira Magaalada Garbahaarey.

Dagaalkaan haatan socda ayaa la sheegay in uu geystay khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray Dhinacyada Dagaalamaya.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Degmada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo in ay ka baxeen Ciidamo Gurmad  ah oo isugu jira kuwa Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya,si ay u caawiyaan Ciidamada Al-shabaab la dagaalamaya.

Wixii kusoo kordha kala simbanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*