War Deg Deg:-Cali Xoodey oo Caawa Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

Kooxo hubeysnaa ayaa caawa Magaaladda Muqdisho waxa ay ku dileen Nin Nabadoon ahaa.

Dilkaaan ayaa ka dhacay meel ku dhow Saldhiga Degmadda Howlwadaag ee Gobolka banaadir.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacabi jirey Cali Xoodey,wuxuuna kamid ahaa ergadii doorashadda Xildhibaanadda baarlamaanka Sooomaaliya ee Hir-shabeelle laga soo doortay.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in kooxaha hubeysnaa ay dhowr xabadood ku dhufteen,islamarkaana si dhaawac ahaa goobta looga qaaday balse uu isbitaalka ku dhintay.

Ala ha u Naxariistee Cali Xoodey ayaa meel ku dhow Saldhiga Holwadaag ku lahaa Maqaayadd lagu iibiyo shaaha iyo cabitaanka.

Dhanka kale Ciidamadda amaanka Sadhiga Degmadda Howlwadaag oo goobta tagay ayaa ku guuldareystay qabashadda kooxihii ka dambeeyay dilka Nabadoonka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.