War Deg Deg:-Bam Caawa Lagu Weeraray Hoyga Gudoomiye Jacfar

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Bambo Gacmeed caawa lagu weeraray Hoyga Gudoomiyaha Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir Maxamed Abuukar Jacfar.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka dhawaqa Bambadda ayaa laga maqlay hoyga Gudoomiyaha, oo ay ku sugnaayeen qoyskiisa.

Inta la xaqiijiyay hal gabar uu dhalay Gudoomiyaha ayaa ku dhimatay Bambadda guriga lagu tuuray,waxaa sidoo kale jiro khasaare kale.

Dhanka kale Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku sugan hoyga,waxaa socda baaritaano lagu baadigoobayo ragii tuuray Bambadda.

Guriga uu degan yahay Jacfar ayaa waxa uu ku yaallaa wadada kasoo dagata Isgoyska Dabka ee dhanka Isgoyska Bakaaraha aada, halkaasi oo ah goobta bambada lagu tuuray.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*