War Deg Deg:-Baarlamaanka Soomaliya oo Go’aan Ka Gaaray Kuraastii Lagu Muransanaa

Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka Soomaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha shacabka  ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay in aan dib loogu laaban 8 kursi oo Maxkamada sare ay sheegtay in dib loogu laabanayo doorashadooda.

Xildhibaadana ayaa sheegay in doorashada ay kusoo baxeyn xildhibaanada ay tahay mid sax ah,islamarkaana go’aanka kasoo baxay Maxkamadda sare ee dalka uu yahay mid aan la aqbali Karin.

26-kii Bishii May ee sanadkan 2017-ka ayaa Maxkamada Sare ee dalka waxa ay go’aamisay in dib loogu laabto doorshada Kuraastaan oo lagu eedeeyay in qaabkii lagu soo doortay aysan Xalaal aheyn.

Xildhibaanada doorashada ay kusoo baxeyn la diidan yahay ayaa kala ah

  1. Cabdullahi Maxamed Adan Shaacir
  2. Maxamed Saciid Cabdullahi
  3. Maxamed Axmed Abdtidoon
  4. Nadif Aadan Isaaq
  5. Muna Khalif Sheekh Abu
  6. Cabdicasis Salax Carmaan
  7. Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale
  8. Samra Ibrahim Cumar

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*