War Deg Deg:-Ardayad Lagu Dhex Toogtay Jaamacadda Soomaaliya

Kooxo hubeysnaa ayaa barqanimadii maanta waxa ay gudaha jaamacadaha Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21-ka Junuary ay ku dileen Gabar Ardayad aheyd.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal rag bastooladdo ku hubeysnaa ayaa gudaha u galay Jaamacadda abaaro 10;50 daqiiqo,waxayna ku dhex toogteen Gabar kamid aheyd ardeyda gaar ahaan qeybta Shareecadda.

Gabadha oo lagu magacaabi jiray Aamina Xuseen Xasan ayaa la toogtay xili ay fadhisay kursigeeda fasalka waxaana xiisad xiligaas bixinayay macalin kamid ah Macalimiinta jaamacadda Soomaaliya.

Ala Ha u Naxariistee Aamina ayaa aheyd Semistar-ka 8-aad ee Jaamacada Soomaaliya (UNISO) islamarkaana ah kan ugu dambeeya ee jaamacadda lagu soo gaba-gabeeyo.

Dhanka kale Maamulka jaamacada oo si kooban ula hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in rag bastooladdo ku hubeysnaa ay gudaha usoo galeyn Jaamacadda islamarkaana ay toogteen gabadha oo fasalkeeda fadhisay, ayna goobta baxsadeen.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga sababta loo dilay Gabadhahaan kamid aheyd ardeyda jaamacadaha Soomaaliya.

Dhanka kale ciidamadda C.I.D ee booliska oo goobta soo gaaray ayaa qaaday meydka Gabadha,waxaana falkaan loo xiray qaar kamid ah ardeydii fasalka la dhiganaysay, Macalinkii xiisada bixinayay, iyo mid kamid ah waardiyayaasha Jaamacadda.

Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay Mas’uuliyadda falkaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*