DEG DEG: Ciidamada AMISOM Oo Toogasho Ka Geystay Magaalada Muqdisho + Daawo Sawirro

Kolonyo katirsan ciidmadda Amisom ayaa suuqa caanaha Seybiyaano degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho Si Bareer ugu toogtay Nin Watay Gaari nuuca Allion ka ah oo marayay halkaasi.

Goobjooge la hadlay Simba ayaa sheegay inuu arkayayay mid kamid ah gadiidka Ciidamada Amisom oo ku rakiban yahay Qorayga loo yaqaan Dashiikaha oo lagu radiyay nin watay gaari nuuca raaxada oo marayay suuqa caanaha Seybiyaano degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Maamulka Degmada Hodan oo Xariiro Radio Simba ay la sameeysay ayaa ka gaabsaday iney ka hadlaan dhacdada Ciidamada Amisom ay geysteen.

Goobta ciidamada Amisom dilka ay ka geysteen ayaa waxaa ku sugan hada ciidamo katirsan dowladda iyo shacab ka carooday dilka darawalka la dilay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*