Wafdi Ka Socda Dowladda Soomaaliya oo Ku Wajahan Magaaladda Dhuusa-mareeb

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminaayo  Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye ayaa saakay ku wajahan Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Ujeedka wafdiga ayaa lagu sheegay sidii loo xalin lahaa khilaafka madaxda Galmudug,islamarkaana garabka Magaaladda Dhuusa-mareeb loogu qancin lahaa in doorashadda ay dhacdo bisha todobaadkaan ee Sanadkaan.

Wasiirka ayaa kulan la qaadan doona madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), Madaxa Xukuumadda  Sheekh Maxamed  Shaakir, hoggaamiyaha Ahlusuna Macalin Maxamuud iyo odayaasha deegaanka, waxaana sidoo kale suura gal ah inuu tago Magaaladda Cadaado.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan si toos ah u faragalinaysa arinta Maamulka Galmudug,waxayna dhawaan ka hor timid muddo kororsi ay sameysteen Madaxweyne Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.