Wafdi Ka Socda Dowladda Soomaaliya oo Gaaray Magaaladda Dhuusa-mareeb+Sawiro

Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa goordhaweyd gaaray Magaaladda Dhuusa-mareeb ee caasimadda Galmudug.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa kamid ah wafdiga wasiirka,waxana garoonka diyaaradaha Dhuusa-mareeb kusoo dhaweeyay Madaxweyne Xaaf Madaxa Xukuumadda Galmudug iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Madaxweyne Xaaf Madaxa iyo Xukuumadda Galmudug ayaa haatan kulan ku leh Madaxtooyadda Galmudug ee Dhuusa-mareeb.

Kulanka ayaa looga hadlaayo sidii loo xalin lahaa cabashadda Madaxda Galmudug dhuusamareeb, iyo sidii la iskugu soo dhaweynayn lahaa Dowladda Dhexe iyo Galmudug.

Dhanka kale Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa shalay lagu waday in uu gaaro Magalada Gaalkacyo, hayeeshee safarkiisii uu dib ugu dhigay sababo la xiriira wafdiga ka socda dowladda Federaalka ee tegay Dhuusamareeb.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.