Wadooyinka Magaaladda Muqdisho oo Saakay Xiran

Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa saakay xiray qaar kamid ah wadooyinka magaaladda muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Isgoyska Banaadir, Tarabuunka qeybo ka mid ah wadada wadnaha iyo wadooyinka kale ayay saakay xireen Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

Shacabka Magaaladda ayaa saakay kusoo toosay xirnaanshaha wadooyinka magaaladda,waxayna intooda badan lug ku tagayaan goobaha shaqada iyo waxbarashadda.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga sababta loo xirey wadooyinka Magaaladda Muqdisho.

Warar soo baxaya aaya sheegaya in Hay’adaha amaanka ay haleen xog ku saabsan in qaraxyo Magaaladda ka dhici doonaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.