Waare:-“Fursado Shaqo Ayaan Siin Doonaa Dhallinyaradda Kasoo Laabata Fikirka Al-shabaab”,

Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare  ayaa sheegay in Maamulkiisa uu bilaabay howlgal lagula dagaalamayo dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.

Waare ayaa sheegay in Maamulkiisa uusan u dulqaadan Karin in Al-shabaab dilaan shacab aan waxbo galabsan iyo sidoo kale in jidadka laga xiro dadka shacabka ah.

“Waxaad la socotaan inuu bilowday howlgal lagula dagaallamayo Al-shabaab, waxaad ogtihiin in jidadkii laga xiray dadka shacabka ah, lana dilo shacab aan waxbo galabsan,maamul ahaan waxaan diyaar u nahay In aan soo dhaweynayo dhalinyaradda kasoo baxaysa Al-shabaab,shaqaaooyin baan siin doonaa” ayuu yiri Waare.

Hadalka Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare  ayaa kusoo beegmaya xili Ciidamadda Dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM ay Gobolada Hir-shabeelle kawadaan holwgal lagula dagaalamayo Xarakadda Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*