UNHCR Oo War Ka Soo Saartay Qaxootiga Soomaaliya Ee Yamen

Hay’adda Qaramada Midoobay uqaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in 116 qoxooti Somaaliyeed ay dib ugu soo celiyeen dalka, kuwaa oo sanadihii ugu dambeeyay ku noolaa dalka Yemen.

UNHCR ayaa sidoo kale sheegtay in ay arintaan ay iska kaashadeen hay’adda socdaalka ee IOM iyadoona Qaxootigii ugu dambeeyay ay ka soo dajiyeen dakadda magaalada Berbera ee waqooyi galbeed.

Dhinaca kale ku dhawaad 1,321 Soomaali ah oo ay ku jiraan qaxoootigaan soo gaaray Soomaaliya kuwaa oo kadal baday in dib looga celiyo dalkooda si ay noloshooda dib ugu dhistaan.

116  qofood ayaa la sheegay in ay ku noolaayeen xero ku taala magaalada Al-kharaz ee dalkaasi Yemen.

Inka badan 270,000 oo qaxooti iyadoona 256,363 ay yihiin qaxooti Soomaaliyeed oo dhowr iyo labaatan sano kunoolaa dalkaasi Yemen.

Mudooyinkii ugu dambeeyay qaxooti fara badan oo ku noolaa dalkaasi ayaa dib ugu soo laabanayay Soomaaliya kadib markii dagaalo xoogan ay ka taagnayeen dalkaasi .

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*