Uhuru Kenyata:-“Ciidamadda Soomaliya Uma Diyaarsana Amaanka Mas’uuliyada Dalka”,

Madaxweyaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo kulan gaar ah la yeeshay xoghayaha  guud ee qaramada Midoobay Antinue Gutters ayaa waxa uu kala hadlay arimaha soomaaliya waxaana uu sheegay in habka ugu wanaagsan ee soomaaliya lagu dejin karo in ay tahay teegeero dheeraad ah oo la siiyo howlgalka nabad ilalainta Midowga Africa Soomaaliya ee loo yaqaano AMISOM.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay nabad galyada soomaaliya in ay furo u tahay dhamaan gobalka si loo joogteeyo horumarada hadda lagaaray.

Waxaase Kenyatta uu aad kaga xumaaday in ciidamada nabad ilaalinta soomaaliya u jooga in dalka laga saaro waxaana uu tilmaamay  in ciidamada qaranka soomaaaliyeed aan loo diyaarinin  amaanka mas’uuliyada dalka.

Madaxweynaha dalka Kenya oo ka qeyb galay kulanki magaalada Addis ababa ay ku yeesheen madaxda wadamada urur goboleedka IGAD  ayaa qaramada midoobay iyo midowga Africa ka dalbaday in ay si gooni ah ugu fiirsadaan in AMISOM laga saaro Soomaaliya.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay xaalada soomaaliya waxaana uu dalbaday in dalkan soomaaliya oo deris ay yihiin in laga shaqeeyo sidii loo nabadeyn lahaa maadamada dagaalyahanada xarakada al shabaab ay ka howlgalaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*