Uganda oo Beesha Caalamka Ugu Baaqday In La Xoojiyo Taageerida La Siiyo Ciidamada AMISOM

Kulan si wadajir ah xarunta madaxtooyada ay ugu wada qaateen Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Xasan Shiiq Maxamud iyo  Taliyaha ciidamada malatariga dowladda Uganda General Edwad Katumba Wamala ayaa diirada lagu saaray amaanka dalka iyo waliba hanaanka Doorashooyinka Soomaaliya.

General Wamala ayaa sidoo kale la kulmay dhigiisa taliya ciidanka xooga dalka General Mohamed Adan Ahmed oo ay kawada hadleen amaanka doorashooyinka waxaana taliyaha Uganda uu sheegay in dalka hanaan-ka dowladnimo ee la hanaqaaday in uu yahay mid meel sare maraya isaga oo sheegay marxalada adag inta dalka uu kaSoo gudbay.

Taliyaha Ciidamada Uganda General Edwad Katumba  oo sidoo kale booqday xarunta ugu weyn ciidanka Midowga Africa ee AMISOM ee xalane ayaa ka codsaday beesha caalamka in ay teegeeraan ciidamada AMISOM silooga adkaado xarakada Alshabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*