Turky-ga oo Bilaabi Doona Dib u Dhiska Xarunta Golaha Shacabka+Sawirro

Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in dhawaan ay bilaabi doonto  dib u dhiska xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, oo xiligana uu ka muuqdo burbur aad u xoogan.

Talaabadaan ayaa ka dambeysay kadib Kulan dhex maray Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar iyo guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka Federaalka C/weli Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad waxaana kulanka lagu iclaamiyay in dhawaan la bilabi doono dib u dhiska  Xarunta golaha shacabka.

Dhismaha Baarlamaanka waxaa hore u balanqaaday wasiirkiii hore ee arrimaha dibadda Turkiga Ahmet Devatoglu sanadkii 2012, xilli uu khudbad ka jeediyay xarunta Baarlamaanka Federaalka, isagoo sheegay in dhismaha iminka guud ahaan la burburinayo oo eber laga soo bilaabayo dhsimaha cusub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*