Tirada Maxaabiis Ay Is Dhaafsan Rabaan Puntland Iyo Somaliland

Warar hoose oo ay heshay Idaacada Simba ayaa sheegaya inuu jiro heshiis hordhac ah oo maamulada Soomaaliland iyo Puntland ay isku dhaafsanayaan ciidamo lagu kala qabsaday dagaalka gobalka Sool.

Ilo xog ogaal ah oo lagu kalsoonan karo ayaa Simba u xaqiijiyay in dhamaan maxaabiistii Somaaliland ay ku qabsatay dagaalka waayadan ka socda deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool in la isugu geeyay xabsiga dhaxe magaalada Laasacaanood ee oo gacanta ay ku hayaan ciidanka Difaaca Soomaaliland.

Maxaabiista Somaaliland ay maanta isugu geysay xabsiga dhaxe ee Laascaanood ayaa tiro ahaan lagu qiyaasay 20 askari oo katirsan ciidanka daraawiishta Puntland ee lagu qabtay dagaalo dhiig badan uu ku daatay oo ka dhacay deegaano iyo tuulooyin katirsan Gobalka Sool.

Dhanka maxaabiista Puntland ayaa lagu sheegay iney gaarayaan tiro ahaan 12  askari oo kamid ah ciidanka Soomaaliland ee ka qeyb qaadanayay dagaaladii lala galay ciidanka daraawiishta Puntland.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in laga dareemayo gobalka Sool dhaq dhaqaaqyo ciidan, maadaama loo badinayo Sool iney tahay goobta loo badinayo in lagu kala wareejiyo maxaabiistaasi.

Majirto war rasmi ah oo labada maamul ay ku xaqiijinayaan jiritaanka maxaabiistaasi lagu wado maanta ilaa bari iney is dhaafsadaan maamulka Puntland iyo kan Aqoonsi dowladd raadiska ah ee Soomaaliland.

Waxii Kusoo Kordha Kala Soco Facebook Radio Simba Ama simbanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*