Magaalada Qadiimiga Ah Ee Taleex Gobalka Sool "Soomaaliya"

Taliye C/rashiid Yuusuf Oo Eedeyn Kala Dul Dhacay Somaaliland + Dhageyso

War kasoo baxay Somaliland oo warbaahinta uu u aqriyay dhawaan wasiirka Tamarta ayaa lagu eedeeyay maamulka Puntland in uu ka danbeeyay dilka Taliyihi degmada Taleex Soomaaliland.

Ciidamo katirsan daraawiishta Puntland ayaa lagu eedeeyay iney ka danbeeyeen dilka taliyihii degmada Taleex ugu magacaawnaa Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee  Soomaaliland, taliyaasi oo la sheegay inuu marayay barkoontarool oo ku taal gudah degmada Taleex , halkaasi oo la sheegay ciidamadii ku sugnaa iney huwiyeen rasaas sababtay dhimashada Taliyihii degmada Taleex.

Taliye Ku Xigeenka Booliska Gobalka Sool Ee Puntland C/Rashiid Yuusuf Barre oo la hadlay Warbaahinta ayaa ugu horeyn beeniyay wararka sheegaya in Puntland ay ka danbeysay dilka Taliyihi Degmada Taleex ugu magacawnaa Jamhuuriyada iskeed madax banaanida ugu dhawaaqday ee Soomaaliland.

Taliye C/Rashiid Yuusuf Barre ayaa dhanka kale eedeyn kala dul dhacay wasiirka Tamarta Somaliland ee uu sheegay inuu dhaxda ka galay shaqa aan shaqadiisa aheen, maadaama loo baahnaa mar hadii lala hadlayo warbaahinta uu xaq u lahaa wasiirka Warfaafinta Somaliland in uu la hadlo oo uu ka war bixiyo waxii dhacay,lakin waxuu sheegay in uusan xaq u laheen ariimahaasi inuu ka hadlo wasiirka Tamarta.

Dhageyso:- Taliye Ku Xigeenka Booliska Gobalka Sool Ee Puntland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*