Taliye Bidaar:-“Amaanka Magaalada Baladweyne Waa La Adkeeyay”+Dhageyso

Nuur Xasan Bidaar Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Hiiraan o la hadlay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho Ayaa waxa uu sheegay in ciidamo gaar ah la geeyay goobaha ay isku dagaalaayeen qaar kamid ah ciidamada dowladda iyo maleeshiyo beeleed la magac baxday Westland.

Taliye Bidaar ayaa waxa uu sheegay in amaanka magaalada Baladweyne si weyn loo adkeeyey si buu yiri loogu diyaar garoobo imtixaanka Shahaadiga ee dugsiyada sare kaa oo ay dowladu sheegtay in ay qaadayso maalinta beri ah.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa maalinimadii shalay ahayd gaaray magaalada Baladweyne si ay u kaga qeyb qaataan xalinta dagaalada dhax maray qaar kamid ah ciidamada dowladda iyo maleeshiyo beeleed la magac baxday Westland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*