Taliyaha Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed oo Magacaabis Sameeyay

Taliyaha Ciidamadda booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar ayaa Maanta Magacaabay 3-Taliye.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Taliyaha ayaa lagu sheegay in Taliye Xijaar uu Magacaabay Taliyayaasha saldhigga booliiska garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho,taliyaha Akademiyada Ciidanka boliiska, iyo taliyaha Ciidanka Miina Baarista boliiska.

Halkaan Hoose ka Akhriso Taliyayaasha La Magacaabay.

Cabdifitaax Bashiir Mire Cali waxaa loo magacaabay Taliyaha saldhigga booliiska garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Cabdikariin Macalin  ayaa isaguna loo Magacaabay Taliyaha Akademiyada Ciidanka boliiska.

Asad waxaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Miina Baarista boliiska.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.