Taliska Ciidanka CXD Qeybta 21-aad oo Xalinaya Dagaal u Dhaxeeya Maleeshiyo Beeleed

Taliska qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala Deegaanada Dawlad goboleedka Galmudug ayaa  ku baxay Deegaanka Hardis oo qiyaastii 25 KM Dhanka Galbeed kaga beegan Degmada Balambal, kaasi oo dhowaan dagaal uu ku dhexmaray Laba Maleeshiyo Beeleed.

Korneel Cali Cilmi Yuusuf Taliyaha Nabadsugidda GalMudug oo la hadlay idaacada Simba ee Magaaladda Muqisho ayaa sheegay in Ciidamadu halkaasi ay ku bexeen, si ay u kala dhexgalaan dadkii Deegaankaasi ku dagaalamay, ayna kuraja wen yihiin inay xaliyaan inkastoo uu haatn sheegay in maleshiyaadka kala dhexgalaan wuxuuna xusay Taliyuhu in maanta hubka dhigis lagu sameyn doono dhinacyadaasi.

Maalmihii dambe waxaa deeganadda Maamulka Galmudug sida Cadaado, hobyo iyo Magaalooyin kale laga dareemayay xiisado colaadeed oo u dhaxeeya Maleeshiyo Beeleed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*