Tahriibayaal Lagu Soo Qariyay Boorsooyin oo Lagu Qabtay Xadka Dalka Spain

Ciidanka Xadka Magaalada Ceuta  ee dalka Spain ayaa qabtay  labo qof oo u dhashay  Dalka Morocco  iyagoo isku dayay inay soogaliyaan  tahriibayaal magaalada Ceuta  ee ku taalla Waqooyiga  Spain ee Africa.

Tahriibayaalkan  ayaa ka koobnaa sadex qof oo labo kamida  Gaari hoostiis ayaa lagu soo qariayay midna shandad ayaa  lagu xiray xarig.

Markii uu cidanku baaritaan kusameeyay Gaariga mid waxa laga helay  xagga hore ee Gaariga, midna  kursiga danbe hoostiisa , midkalena  waxa lagu sooqariyay boorso.

Ciidanku markii ay haleen waxa loola cararay goob caafimaad si ay helaan  kaalmo caafimaad maadam ayna helin hawo ku filan.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*