Su’aal Laga keenay in Cristiano Ronaldo u Dhaqaaqo Horyaalka Dalka Shiinaha

Macalinka kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa su’aal ka keenay wararka sheegaya in Weeraryahanka kooxda Real Madrid iyo xulka dalka Portugal Cristiano Ronaldo u dhaqaayo horyaalka dalka  shiinaha oo sanadkaan  ah horyaal soo caanbaxaya.

Antonio Conte oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in macquul aysan noqon doonin in xidiga Real Madrid u dhaqaayo horyaalka Shiinaha oo sanadkaan ay u dhaqaaqeen ciyaaryahano dhowr ah oo ka ciyaarayay horyaalada kala duwan.

Kadib markii xidigii hore ee kooxda Chelsea Oscar u dhaqaaqay kooxda Shanghai SIPG oo haatan uu macalin ka hayay Andre-Villas Boas -, waxaa sidoo kale jirey Carlos Tevez oo u dhaqaaqay kooxda Shanghai Shenhua lacago waali ah, wakiilka Ronaldo Jorge Mendes ayaa sheegay in koox ka dhisan horyaalkaas ay laacibkaan kusoo dalbatay lacago gaaraya €300million.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.