calamada ama astaamaha qaar kamid ah dalalka Afrika

Soomaaliya oo Markii Ugu Horeysay Casuumaad u Fidisay Wadamada Ugu Sameynta Badan Africa (Ogow Wadamada Ay Yihiin)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Issa Awad oo ka qeybgalay Shir madaxeedka tobanaad ee gaarka ah ee Madaxda iyo Hoggaamiyeyaasha Afrika ee ku qabsoomay Magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda, kana wakiil ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya H.E. Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmaajo” ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah Madaxda ka qeybgashay shirkaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Issa Awad ayaa waxa uu casuumaado booqasho rasmi ah oo ay ku yimaadaan Soomaaliya u fidiyay Madaxweynayaasha wadamada Rwanda, South Africa, Gabon iyo Ghana.

Wasiir Axmed Cawad Ciise ayaa kulamo natiijo mira-dhal ah la kala yeeshay shalay Madaxweynayaasha kala ah, Rwanda H.E. Mr. Paul Kagame, Kenya H.E. Mr. Uhuru Kenyatta, Djibouti H.E. Mr. Ismail Omar Guelleh, Sudan H.E. Mr. Omar Hassan Ahmad Al-Bashir, South Africa H.E. Mr. Cyril Ramaphosa, Gabon H.E. Mr. Ali Bongo Ondimba, Chad H.E. Mr. Idrīs Daybī Itnū, Ghana H.E. Mr. Nana Addo Dankwa Akufo-Addo iyo Ra’iisul wasaaraha Boqortooyada Morocco H.E. Mr. Saadeddine Othmani.

H.E. Amb. Ahmed Issa Awad ayaa u gudbiyay madaxdaasi salaan uu ka siday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” , isaga oo uga sheekeeyay hoggaamiyeyaashaasi horumarka siyaasadeed, dhaqaalle iyo ammaan ee ay Soomaaliya gaartay muddooyinkii dambe, waxaanu xusay in dowladdu ku howlan tahay dardargelinta iyo laba-laabidda qorshayaasha dalka loogu saldhigayo deganaansho ammaan, siyaasad iyo kobac dhaqaalle.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*