Somaliya oo Taageertay Sacuudiga Xilli Khilaaf u Dhaxeeyo Canada iyo Sacuudiga

Dowladda Federaalka Somaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay khilaafka dhanka diplumaasiyadeed ee u dhaxeeya dalalka Sacuudiga iyo Canada.

Warsaaxafadeed ka soo baxay dowladda  Somaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya garab taagan tahay dowladda Sacuudiga.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay xaaladihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay xiriirka Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo Canada.” Ayaa lagu yiri Qoraalka.

“Iyadoo laga ambaqaadaayo arrinkani, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa taageeridda mowqifka diidmada ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee faragelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha, iyadoo la tixgelinayo mabda’a aan oggolaanayn faragelin ee lagu caddeeyay Axdiga Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto gobonnimadeeda iyo madax bannaanida go’aan gaariddeeda iyo waxa ay jideyso oo ah siyaasado ama habab garsooreed oo xiriir la leh shuruucdeeda qaran.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay rajeyneysaa Riyadh iyo Ottawa inay ka gudbaan khilaafaadkooda si xiriirkoodu u sii socdo oo saldhig u ah kalsooni iyo xushmad is dhaafsi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*