Somaliland oo Shaki Galisay Dalka iyo Waqtiga La Qabanayo Wada-hadalka

 

Xukuumadda Somaliland ayaa war kasoo saartay wada-hadalka Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo Maamulka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa ayaa sheegay ilaa hadda wakhti rasmi ah loo cayimin.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka gaabsaday wadanka martigalin doona wada-hadalka xili la hadal hayo in midkood Turky-ga ama Ghana lagu qaban doono.

“Way jiraan dedaalo lagu doonayo in labada dal ku wada hadlaan,laakiin ilaa hadda wakhti cayiman oo loo qorsheeyey in la wada hadlaa lama qorsheyn, lamana cayimin, Madaxweyne Muuse Bixi Cabdi, wuu ka hadlay wada hadalada,wada hadaladana meeshii la doonaba ha lagu qabto ee wax tafaasiil ah oo cusub aanu ka bixinayaa ma jirto,”

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan imaaraadka carabta ka sheegay in wada-hadalka Somaliland iyo Somaliya lagu qaban doono dalka Ghana.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.