OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Somaliland Ayaa Ka Hadashay Waxa Ka Jira Iney Afduubteen Dhalinayaro Ka Soo Jeeda Puntland (Dhageyso)

Taliska Ciidanka Soomaliland ayaa Faahfaahin ka bixiyey Wararka Sheegaya in Maamulada Soomaaliland iyo Puntland ay kala Afduubeen Dhalinayaro la Socday gaadiid ku kala gooshayey Gobalada Sool iyo Nugaal kuwaasi oo la dhigay Xabsiyada Magaalooyinka Garoowe iyo Laascaanood.

Hogaanka Ciidanka Difaaca Soomaaliland ee Gobalka Sool Maxamuud Maxamed Dhuunkaal oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Beeniyey in Ciidamada Soomaaliland aaga Tukaraq ay ka Afduubeen dhalinyaro ka soo jeeda Deegaanada Puntland la socday gaadiid rakaab ah oo ay ka soo raaceen Magaalada Garoowe.

Taliyaha ayaa Sheegay inay Ciidamada Soomaaliland aysan marna ba ka suurtoobin inay heyb soocaan dadka ka soo jeeda deegaanada Puntland u socada dhanka soomaaliland waxaa uuna Xusay warkaasi ay abuureen shaqsiyaad duulaan ku ah sharafta Ciidanka Qaran Somaliland eeDeegaanada colaadu ka jirto.

Ugu danbeyntii Taliyaha Ciidanka Soomaaliland Gobalka Sool ayaa sheegay inay dhankooda diyaar u yihiin in wada hadal lagu dhameeyo Colaada Gobalka Sool ee u dhexeysa Soomaaliland iyo Puntland waxaana ugu baaqey Saraakiisha Ciidanka Puntland inay Joojiyaan Abaabulka Dagaal iyo Colaada lagu saleeyey Qabyaalada ee ay Ka wadaan Deegaanka Tukaraq Tuulooyinka Hoos yimaada.

Hadal heynta Deegaanada Soomaaliland iyo Puntland ugu weyneyd ayaa aheyd warar Sheegayey in dhalinyaro laga Afduubeedtay Tuulooyinka hoostaga iyo Magaalada Garoowe.

Dhageyso Codka :- Taliyah Ciidanka Difaaca Somaliland ee Gobalka Sool Maxamuud Maxamed Dhuunkaal

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*