Somali-land oo Sheegtay in ay Weerayaan Magaaladda Garoowe+Dhageyso

Wararka ka imaanaya deegaanka ganbadhe oo duleedka ka ah magaalada lascaanood ee gobolka sool ayaa kusoo waramaya in dagaal khasaare geystay uu ku dhexmaray Ciidanka Somali-land iyo kuwa puntland.

Dagaaladan ayaa daba socda dagaalo malmahan puntland iyo somaliland ku dhexmarayay gobolka sool.

Ilaa hada lama xaqiijin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii ugu danbeeyay ee ee dhexmaray labada dhinac.

Dhanka kale mas’uuliyiinta somaliland ayaa sheegay in ciidankoodu ay tagayaan xuduudahooda,islamarkaana ay iska difaacayaan Ciidamadda Maamulka puntland.

Xildhibaan Axmed diiriye(Nacnac), oo kamid ah golaha wakiilada somaliland ayaa Maamulka puntland ku eedeeyay inay dagaal wadaan,wuxuuna tilmaamay inay ciidankoodu ay tagi doonaan goobo aysan horay ugaarin.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Ciidamadda Somaliland ay la wareegayaan,islamarkaana ay weerar ku qaadi doonaan magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland hadii aan la joojinin dagaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.