Siyaasi Dalab u Diray Dowladda Si Shacabka Muqdisho Loo Badbaadiyo+Dhageyso

Madaxda Dawladda Soomaaliya ayaa laga dalbaday in Ciidamo wanaagsan ay keenaan Isgoyska Wadooyinka Muqdisho,kadib markii ay kordheen dilalka loo geysto dadka shacabka ah ee askarta fuliyaan.

Korneel Korneel Cabdi Aadan Barre oo kamid ahaa Saraakiishii hore ee Ciidamadda Dowladda oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in askarta ku sugan Isgoysyadda Wadooyinka Muqdisho ay yihiin kuwa aan dhaqan ahaan wanaagsaneen.

Waxa uu sheegay in dhalinyaradda askarta la dhigay wadooyinka ay kordhiyeen dhibaatooyinka ay u geystaan dadka shacabka ah gaar ahaan dhalinyaradda.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ciidamo wanaagsan ay keenaan wadooyinka muqdisho, si shacabka u badbaadaan.

Hadalkaan Korneelka ayaa kusoo aadaya xili askarta ku sugan wadooyinka Magaaladda muqdisho ay maalmihii dambe kordhiyeen dilalka ay u geystaan dadka shacabka ah,waxaana ugu dambeeyay kii dhacay maalintii sabtidii aheyd kaasi oo sababay in banaabaxyo ka dhacaan magaaladda.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.