Sidee Xal Loogu Heli Karaa Madaafiicda Al Shabaab Ay Ku Qaadaan Saldhigyada Degmada Balcad

Iyadoo malmihii ugu danbeyey Xarakada Al shabaab ay weraro kala duwan oo u badan madafiic ay ku qadayeen  gudaha degmada balacad ee gobalka shabeelaha dhexe ayaa taliska ciidanka dowlada Somaaliya ee degmada balacad waxay wadeen dadalo ay Al shabaab looga riixayo meelaha ay ka soo qadaan werarda ubadan madafiicda oo ay ku soo qadayaan fariisimada ay ciidanka dowlada Somaaliya.

Taliyaha ciidanka Booliska dowlada Somaalya ee degmada Balacad ee gobalka Sh/Dhexe Cali Maxed Xasan oo wareysi gaar ah siyey Idaacada Simba ayaa sheegay in ay bilaabeen howlgal AL shabaab ka dhan ah gaar ahaan meelaha Alqaacidda ay kasoo turaan madafiicda lagu gaaraco saldhigayada ciidanka dowlada iyo kuwa AMISOM ay kuleeyihiin duleedka degmada balacad ee g.sh.dhexe.

Guutada Xoogaga Al shabaab u qaabilsan dhanka madaafiicda ayaa maalma is xeg xegay weeraro ku qaaday saldhigyada ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin degmada Balacad, hadalka taliska ciidanka dowladda ayaana yimid kadib weeraradaas lagu soo qaaday saldhigyada ciidan.

Nagala Soco Facebook/ Radio Simba

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*