Side Laamaha Amniga Muqdisho Ku Dhaqan Galin Doonan Hadal Kasoo Baxay Farmaajo (Akhriso)

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa amar ku siiyay laamaha amaanka dowladda iney furan dhamaan wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho iyo in laga shaqeysiiyo dekada weyn ee magaalada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isugu yeeray guddiga Amniga Qaranka, si looga jawaabo cabashooyin ka yimid shacabka caasimadda, dood dheer oo ay yeesheen guddiga keddib waxa ay soo saareen qodobo ay kamid ahayeen in la furo dhamaan wadooyinka magaalada Muqdisho.

Warka kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya ayaa noqonaya kii labaad ee uu soo saaro mudo bilo ka hor, inkastoo uusan dhaqan galin kii hore  ayuu ciidanka amaanka faray in la furo wadooyinka Muqdisho.

Lama oga sida uu ku dhaqan gali doono amarka madaxweynaha Soomaaliya oo ah in ciidanka amaanka ay furan wadooyinka wasiirka Amniga Soomaaliya uu sheegay in xirnaanshahooda amaanka lagu sugayo.

Magaalada muqdisho ayaa bilihii danbe waxaa ka dhax jirtay in gaariga kasoo qaada degmo uusan ku geyn Karin degmada kale, maadama qad cagaaran ama jid gooyooyin ay dhigteen ciidanka dowladda oo shacabka an wadan aqoonsiga dowladda (ID) aynan gadiidkooda mari Karin isgoysyada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*